Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyey duleedka Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Ciidanka xooggga dalka ururka 5-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaanada xeebaha dhaca ee gobolka Jubbada Hoose.

Deeganadan sida gaarka ah howlgalka looga fuliyay ayaa kala ah, Bernaasi, Cusbo, Bernaa, Istanbuul ,Jaamac Caraale iyo Kooyaamo, waxaana howlgalku intuu Socday Ciidanku ay cagta mariyeen goobo ay  Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalka ka dhanka ah Shabaab inta laga saarayo deegaanadaas oo hoostaga magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here