Caruur walaalo ah oo ku geeriyootay dab ka kacay magaalada Boorama

0

BOORAMA (SMN) – Saddex caruur ah oo walaalo ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen dab xoogan oo  saacadihii lasoo dhaafay ka kacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halka mid kale uu soo gaaray dhaawac culus.

Caruurta geeriyootay ayaa kala ah:- Deeqsan Sheekh Muuse Maxamed oo saddex sano jir ah, Aragsan Sheekh Muuse Maxamed oo 9 bil jir ah iyo Muxumed Sheekh Muuse, halka uu dhaawac culus gaaray Khaalid Sheekh Muuse.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu dabka kacayey ay jiifeen caruurta, isla-markaana aysan helin gurmad deg deg ah, walow goor dambe ay goobta tageen gaadiidka dab damiska.

Dhacdadan ayaa xanuun badan ku reebtay waalidiinta iyo ehellada caruurta, waxaana sidoo kale dabka ku burburay gurigii ay daganaayeen qoyska iyo dhammaan agabkii yiilay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here