Sawirro: Madaxweynaha HirShabelle oo gaaray magaalada Beledweyne

0

Beledweyne (SMN) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Cali Guudlaawe iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada ay HirShabelle ku leedahay Beledweyn, halkaas oo uu ka bilaabayo kulamo wada-tashi ah.

Xaaladda magaalada ayaa kacsan, waxaana dhawaan la geeyey ciidamo loogu tala-galay inay sugaan amniga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here