Daawo: Caruur walaalo ah oo si arxan darro ah loogu dilay duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Meydka labo caruur oo walaalo ah ayaa waxaa saaka laga helay duleedka Muqdisho, kuwaas oo xalay la waayey, kadib markii adeeg looga diray suuqa.

Caruurta oo ahaa gabar iyo wiil ayaa meydadkooda lasoo dhigay agagaarka Jaamacadda Shabelle oo ku taalla Garasbaaley, halkaas oo ay isugu soo baxeen shacab fara badan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in caruurta ay da’dooda kala aheyd shan sano jir iyo todobo jir, waxaana ka muuqday jir dil xoogan oo loo geystay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in falkan loo xiray ninka qabay hooyada dhashay labadaasi caruur oo la tuhmayo, kaas oo haatan lagu hayo baaritaano dheeraad ah.

Halkan hoose ka daawo warbixinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here