CC Shakuur oo booqday jiidda hore ee dagaalka, kadibna diray farriin culus

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gargaarka oo Booqday Galmudug iyo agaagaga ay ka socdaal howlgalladda Xoreynta ayaa la hadlay dadka deegaanka, isaga oo ku guubaabiyey in ay iska kaashadaan dadaalada ay iskaga dul qaadayaan Al-Shabaab.

 

Cabdiraxmaan oo booqday deegaano u dhow caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa booqday farriisin ay ku sugan yihiin ciidanka deegaanka isaga oo sheegay in Al-Shabaab aan loo ixtiraamin ama loosoo dhaweysan ehel ahaan maadama aysan iyaguba aqoon.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay hadda bilaabeen markii ay culeysyo dareemeen in ay u soo hanjabaan odayaasha deegaanka oo ay ugu goodiyeen dil, haddii aysan dadkooda kala bixin dagaalka

Siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda federaalka ee kasoo Jeeda Galmudug ayaa booqanayey muddooyinkan furimaha horre iyo deegaanada ay ka socdaal howlgalladdu, iyaga oo dadaallada socda baritaaraya ayeyna dadka shacabka ah ku abaabulayeen in ay ciidanka Xoogga garab ku siiyaan dagaalka Al-Shabaab looga saarayo deegaanadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here