Itoobiya oo shaaca ka qaaday inay dishay 462 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

ADDIS ABAB (SMN) – Dowladda Itoobiya ayaa war cusub kasoo saartay dagaal toos ah oo ay ciidamadeeda Arbacadii lasoo dhaafay Al-Shabaab kula kaleen duleedka degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool ee koonfura Soomaaliya.

 

Saraakiil ka tirsan milatariga Itoobiya ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee XINHUA inay dagaalkaas ku dileen ugu yaraan 462 oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay ka hortageen weerar loo adeegsaday saddex gawaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo 12 qof oo is-miidaamiyeyaal ah.

Sheegashadaan ayaa aad uga fog middii Al-Shabaab oo ayadu horay u shaacisay inay dagaalkaas ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, kadibna ay burburisay baabuur milatari.

Si kastaba, Itoobiya ayaa horay u fashilisay dhowr isku day oo Al-Shabaab ay ku geli laheyd bariga dalkaasi, si ay xuduudda uga fuliyaan qaraxyo iyo weeraro toos ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here