Sharmaa’arke oo iska fogeeyey bayaankii ay soo saareen Faroole & Gaas

0

BOOSAASO (SMN) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirshiid, ayaa sheegay in aanu qayb ka ahayn bayaan ay soo saareen siyaasiyiinta xallinta khilaafkii dhaliyay dagaalkii Boosaaso u tagay magaaladaas 29-kii Dicember.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku yiri “Waxaan caddaynayaa inaan la igala ashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa. Boosaaso dhibka soo gaadhay xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah”.

Bayaankaas uu sheegay in aan lagala tashan ayaa waxay ergadaa siyaasiyiinta ahi ku sheegeen in qododbadii talo soo jeedinta ahaa ee isimadu soo saareen aanay qusaynin ergadoodaas talona aanay ku lahayn, oo sidii ay ku ballameen, waa sida loo dhigaye, aan markii hore lala wadaagin ee ay qoraalkaa ku arkeen baraha bulshada oo aanu ahayn mid wax u taraya xasiloonida aiyo wadajirka Puntland.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa haata ah mid  deggan, waxaana weli socda dadaallo la’isugu soo dhoweynayo Puntland iyo PSF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here