Lacago maalgalin ah oo laga bixiyay xarunta Salaam Somali Bank ee Madiino

0

MUQDISHO [SMN] – Bangiga Salaam Somali Bank ayaa Maanta oo Khamiis ah siiyay lacag maalgelin ah ganacsato yaryar oo ku sugan degmada Madiino, ee gobolka Banaadir, taasoo qeyb ka ah barnaamijka Qardu Xasan.

Ganacsatada ka faa’ideystay oo isagu jiray rag iyo dumar ayaa qaatey lacag loogu tala-galay inay ku kobciyaan ganacsiyadooda, iyadoo uusan Bangiga ka doonaynin faa’ido maal-gelinta loo sameeyay.

Qaar kamid ah dadkan oo munaasabadda lagu qabtay xarunta Madiino ayaa sheegay inay aad ugu farxeen maalgelinta uu Salaam Somali bank u sameeyay, iyagoo u mahadceliyay maamulka bangiga.

Barnaamijka maalgelinta Qardu Xasan oo socda sanadkii 2aad ayaa waxuu Bangiga u qorsheeyay inuu gaarsiiyo dhamaan gobollada dalka Soomaaliya, iyadoo hadda laga bixiyay hadda xaruumo aad u badan.

Gabacsatadii horey u qaatey Qardu Xasan ayaa sheegay inay sameeyeen kobac fiican, ayna xaqiijinayaan hadafkooda horumarka, iyagoo ku bogaadiyeen bangiga kaalintiisa soo nooleynta dhaqaalaha dalka.

“Waa tallaabo ku dayasho mudan wuxuu sameynayao Salaam Somali bank, waana arinta qeyb weyn ka qaadanaysa xoojin dhaqaalaha wadanka, iyadoo la kobcinayo ganacsatada yaryar ee hal-abuurka leh,” ayuu yiri qof ka faa’ideystay Qardu Xasan.

Salaam Somali banka ayaa ah bangi gaar loo leeyahay oo fadhigiisu yahay Caasimada Muqdisho.

Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here