Nairobi – Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa Isniintii shaacisay in dalabka kuraasida duullimaadyadeeda uu si weyn u kordhay, iyadoo sabab uga dhigtay saameynta ka dhalatay xiisadaha dagaal ee ka socda Bariga Dhexe.
Shirkaddu waxay sheegtay in faa’iidada ugu badan ay ka heshay waddooyinka u kala goosha Yurub, Mareykanka iyo Aasiya, halkaas oo baahida safarka cirka ay si muuqata u korortay.
Xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan ayaa si weyn u saameeyay Shirkaddaha duulimaadyada caalamka. Arrintan ayaa keentay in shirkado badan ay kordhiyaan qiimaha tikidhada, isla markaana ay wax ka beddelaan jadwalkooda duullimaad si ay uga fogaadaan hawada Bariga Dhexe ama ay gebi ahaanba u joojiyaan qaar ka mid ah safarradooda.
Kenya Airways ayaa tilmaantay in heerka buuxsanaanta kuraasta uu haatan ku dhow yahay 100%, halka bishii Janaayo uu ahaa qiyaastii 70%.
Mid ka mid ah masuuliyiinta shirkadda, Kamaal, ayaa sheegay:
“Waxaan ahayn sidan ilaa February. Inta ugu badan ee faa’iidada aan aragno waxay ka imaanaysaa Yurub, Mareykanka iyo Aasiya, waddooyinkaas ayaana si weyn u xoojinaya shabakadeenna.”
Dhanka kale, madaxa howlaha duulimaadka ee shirkadda, Paul Njoroge, ayaa sheegay in shirkaddu ay haysato shidaal diyaaradeed oo ku filan ilaa 56 maalmood, isla markaana ay dadaal ugu jirto sidii ay shidaal dheeraad ah uga heli lahayd Hindiya.
Warbixintan ayaa muujinaysa sida xiisadaha caalamiga ah ay u saameyn karaan dhaqaalaha iyo ganacsiga shirkadaha duulimaadyada, iyadoo mararka qaar ay keento fursado cusub oo faa’iido leh.



