Ciidamada ammaanka oo xalay howlgal ballaaran ka sameeyey degmada Shibis

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa nabad sugida ayaa xalay howlgal ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayey ammaanka guud ee degmadaasi.

Saraakiisha horkaceysay baaritaanadan ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan howlgalladan oo laga sameeyey afarta waaxood ee ay ka kooban tahay Shibis.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in howlgallada lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo badi lasii daayey markiiĀ  ay su’aallo weydiiyeen ciidanka.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyey howlgallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan caasimadda oo ay dhowaan ka dhaceyso kuraas ka mid ah doorashada xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here