Ciidamada ammaanka oo howlgallo ka wada duleedka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxayaa howlgalo ay saaka ciidamada ammaanka Soomaaliya ka wadaan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Howlgalladan oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa wada ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo isku fidiyay xaafadaha deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay sameeyeen baaritaano, isla markaana ay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad lagu tuhmayo inay la shaqeeyaan Al-Shabaab.

Ujeedka howlgalladan ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

Muqdisho iyo agagaarkeeda ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay howlgallo culus ka waday ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, si u adkeeyay amniga guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here