Wararkii ugu dambeeyay khilaafka ka taagan doorashooyinka Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Xildhibaan Maxamed Axmed Yuusuf Xaraf oo kamid ah baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

 

Xildhibaanka ayaa weerar afka ah ku qaaday kooxda madaxtooyada, wuxuuna ku eedeeyay inay wadaan boob doorasho oo ku aadan xulista xildhibaanada cusub.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in La handadayo Isimada Dhaqanka, haddii aysan qorin cida ay rabto madaxtooyada.

Dhanka kalwe Xildhibaan Maxamed Axmed Xaraf ayaa difaacay tallaabadii baarlamaanka ee ay ku sameysteen muddo kororsiga, kaas oo dood kale ka abuuray Puntland.

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa weli cakiran, waxaana kasii daray khilaafka doorashada oo ay isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Deni, ayada oo qorshuhu yahay in doorashada madaxtooyada lagu kala baxo 8 Janaayo ee sanadka 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here