Ciidamada ammaanka oo rag burcad ah ku qabtay degmada Heliwaa

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay xalay maamulka Heliwaa iyo ciidamada Booliska Soomaaliya oo iskaashanaya ka sameeyeen gudaha degmadaasi.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay labo nin oo watay Mindi & Bastoolad macmal ah oo la sheegay inay ku dhacayeen dadka deegaanka.

Saraakiisha horkaceysay howl-galkaasi ayaa sheegay inay soo gaartay cabashada dadweynaha, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Sidoo kale maamulka degmada ayaa shaaca ka qaaday in la xiray raggaasi, isla-markaana loo sii gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga oo ay wadeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here