Muxuu RW Rooble ka yiri dadkii ay AMISOM ku leysay Golweyn?

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay inaysan aqbali doonin, raallina aanay ka ahayn in shacabka Soomaaliyeed dhib loo gaysto.

Raiisul wasaaruhu waxa uu hadalkaasi sheegay kaddib markii uu kulan la qaatay safiirka waddanka Uganda u fadhiya magaalada Muqdisho iyo taliyaha qeybta ee howlgalka ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM, kuwaas oo ay ka wadahadleen, sidii xal looga gaari lahaa dadkii ay AMISOM dhawaan ku dhileen degmada Golweyn, gobolka Shabeellaha Hoose.

Mr Rooble waxa uu sheegay inay “Xaqiiqdii [dhacdadaas waxa ay aheyd] arrin foolxun, oo aad iyo aad aan uga danqannay haddaannu nahay dowladda Soomaaliyeed”

Ra’iisul wasaaraha oo ay xafiiskiisa ay tacsi ugu tageen safiirka Uganda ee Muqdisho iyo taliyaha sector-ka AMISOM ayaa sheegay in “Iyagana waan u sheegay, shacabka Soomaaliyeedna waan u sheegayaa marna aqbali maynno raallina kama nihin in shacabka Soomaaliyeed dhib loo gaysto, haddii ay tahay ciidammo AMISOM, haddii ay tahay ciidammo Soomaaliyeed,”

Sidoo kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu intaasi ku daray in shaqadiisa ay tahay in shacabka Soomaaliyeed uu dhibaatada ka ilaaliyo haddii ay wax soo gaaranna uu xaqooda u soo dhicin doono “Shacabka Soomaaliyeed waa lama taabtaan oo haddii gacan ka gardaran ay wax u gaysatana annagaa diyaar u ah inaan u istaagayno naloona igmaday inaan xaqooda u istaagno,”

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu tacsi u diray ehellada dadkii Shabeellaha Hoose lagu laayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here