Ciidamada ammaanka oo xalay howlgal ka sameeyay xeebta Liido + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen goobo gaar ah oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

 

Booliska gaarka ah ee gobolka Banaadir iyo ciidamada Haramcad ayaa iska kaashaday howlgalkaasi oo lagu beegsaday maqaayado iyo goobo lagu caweeyo oo ku yaalla halkaasi.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid looga hortagayay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa inta ay howlgalka wadeen waxa ay gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro fara badan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay jabiyeen sharciga la dagaallanka maan dooriyaha.

Habeenka Jimcaha waa mid kamid ah habeenada ugu mashquulka badan Liido, waxaana inta badan isugu tega dhalinyaro kala duwan oo qaarkood isticmaala maan dooriyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here