Kalfadhiga 4-aad ee BFS oo maanta furmayo iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa la filayaa in maanta uu furmo kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, maadaama muddooyinkii ay fasax ku maqnaayeen xildhibaanada Soomaaliyeed.

 

Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furi doono madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dastuuri ah u jeedin doono xubnaha labada Gole.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa ka doodi doono ajendayaal waa weyn oo horyaalla kalfadhigan, kuwaas oo uu kamid ah wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah.

Warararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro mooshin ay xildhibaanada qaar ka wadaan ra’iisul wasaare Xamza, basle waxaa la ogaan doonaan kulamada xiga.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale horyaallo shaqooyin kala duwan iyo shuruuc ay soo gudbiyen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here