Ciidamada ATMIS oo dad ku xir-xiray gobolka Shabeelaha Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada ATMIS ay howlgal ballaaran ka sameeyeen gobolka Sh/Dhexe.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyey agagaarka degmada Mahadaay oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Burundi ee jooga gudaha Soomaaliya.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ciidamadu ay xireen illaa 10 qof oo ka mid ah dadka ku dhaqan dhulka Miyiga ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale dhaq-dhaqaaqyadan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay isku socoda dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa duleedka degmada Mahadaay ka dhacayey weeraro ay fulinayeen xoogaga Al-Shabaab, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan, waxaana ugu dambeeyey weerarkii lagu beegsaday saldhigga ciidamada ATMIS ee deegaanka Ceel Baraf.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ATMIS iyo saraakiisha milatariga Soomaaliya ee howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here