MUQDISHO – Ciidamada Badda Hindiya ayaa badbaadiyay dhammaan 20-kii shaqaale ee saarnaa doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iran, kaddib markii ay burcad-badeed hubeysan ka afduubteen xeebaha waqooyi-bari Soomaaliya.
Wasaaradda Difaaca Hindiya ayaa Talaadadii sheegtay in howlgalka lagu soo furtay shaqaalaha iyo markabka Azini uu dhammaaday 2-dii Nofeembar, kaddib hawlgal milatari oo socday muddo 48 saacadood ah, kaas oo ay iska kaashadeen ciidamada badda iyo kuwa cirka ee dalkaas.
Wasaaraddu waxay xaqiijisay in dhammaan 20-ka shaqaale si nabad ah loo sii daayay, iyadoo aan la soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah. Doonta kalluumeysiga ayaa la afduubtay 29-kii Oktoobar, waxaana dhacdadaasi dhalisay walaac laga qabo in burcad-badeeddu u adeegsadaan markab ay ka abaabulaan weerarro kale oo ka dhan ah maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Carabta iyo Gacanka Cadmeed.
Markii ay heleen xogta afduubka, Ciidamada Badda Hindiya ayaa aagga u diray markab dagaal oo ay taageerayeen diyaaradaha ilaalada badda, si ay u helaan una xakameeyaan doonta la afduubtay. Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Hindiya, ciidamada ayaa si joogto ah ula socday dhaqdhaqaaqa markabka, iyagoo adeegsaday tallaabooyin lagu xaddidayay dhaq-dhaqaaqiisa lagana hortagayay inuu goobta ka baxsado.
Intaas kaddib, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee badda Hindiya, oo loo yaqaan MARCOS, ayaa loo diray markabka, iyagoo diyaarad xamuul oo nooca C-17 ah ay geysay goobta. Ciidamada gaarka ah ayaa fuulay doonta, la wareegay gacan-ku-haynteeda, isla markaana ka adkaaday khatartii burcad-badeedda, iyagoo xorriyaddooda dib ugu soo celiyay dhammaan shaqaalihii la haystay.
Wasiirka Difaaca Hindiya, Rajnath Singh, ayaa hambalyo u diray ciidamada badda iyo dhammaan shaqaalihii ka qayb qaatay howlgalka, isagoo sheegay in uu muujinayo awoodda Hindiya ee wax ka qabashada khataraha amniga badda, xitaa meelaha ka fog xeebaha dalkaas. Singh ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in sida degdegga ah ee loo helay loona badbaadiyay markabka iyo shaqaalihiisa ay muujinayso diyaargarowga ciidamada iyo awooddooda ay uga jawaabaan khataraha badda.
Wuxuu intaas ku daray in Hindiya ay ka go’an tahay ilaalinta badmaaxiinta, sugidda waddooyinka ganacsiga badda iyo xasilloonida guud ee Badweynta Hindiya. Howlgalka badbaadinta ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel ka badan 3,000 oo kiiloomitir u jirta magaalada Mumbai, taas oo muujinaysa baaxadda hawlgallada ay ciidamada badda Hindiya ka fuliyaan gobolka Badweynta Hindiya.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dib u soo cusboonaadeen walaacyada ku saabsan burcad-badeednimada Soomaalida, kaddib markii kooxo hubeysan ay kordhiyeen afduubyada maraakiibta kalluumeysiga iyo kuwa ganacsiga. Burcad-badeednimada Soomaaliya ayaa heerkeedii ugu sarreeyay gaartay intii u dhexeysay 2008 iyo 2012, xilligaas oo kooxo hubeysan ay afduubteen maraakiib badan, shaqaalahoodana u haysteen madaxfurasho.
Howlgallada ciidamada badda ee caalamiga ah iyo tallaabooyinka amni ee la xoojiyay ayaa markii dambe gacan ka geystay hoos u dhigidda weerarradaas. Hase yeeshee, dib u soo laabashada falalka burcad-badeednimada tan iyo dabayaaqadii 2023 ayaa mar kale walaac ka abuurtay amniga marin-biyoodka isku xira Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Ciidamada Badda Hindiya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu ilaalinayo ganacsiga badda iyo badqabka maraakiibta isaga kala goosha gobolka Badweynta Hindiya.




