Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee BFS oo Su’aalo Ka Weydiiyay Wasiirka Maaliyadda Odoroska Miisaaniyadda 2027-ka

0

Muqdisho – Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) ayaa maanta kulan wadajir ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.

 

Kulanka oo ay si wadajir ah u shir-guddoominayeen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer), iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa diiradda lagu saaray odoroska miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2027-ka.

Xubnaha guddiyada ayaa Wasiirka Maaliyadda su’aalo ka weydiiyay qodobo kala duwan oo la xiriira diyaarinta iyo odoroska miisaaniyadda sannadka soo socda, iyagoo dalbaday faahfaahin ku saabsan arrimaha la xiriira qorshaha maaliyadeed ee dowladda.

Wasiir Biixi Iimaan Cige iyo mas’uuliyiintii kale ee kulanka ku wehlinayay ayaa si faahfaahsan uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay soo jeediyeen xubnaha guddiyada, iyagoo sharaxaad ka bixiyay qodobadii laga weydiiyay odoroska miisaaniyadda 2027-ka.

Dood iyo su’aalo-weydaarsi kaddib, xubnaha labada guddi ayaa isku raacay in hindise-sharciyeedka Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027-ka loo gudbiyo kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo mariyo akhrinta labaad.May be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here