Boosaaso – Ciidamada Badda Puntland ayaa bulshada Puntland iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso ku wargeliyay inay bilaabeen hawlgallo lagu xoojinayo amniga iyo badbaadada xeebaha Puntland, gaar ahaan ka hortagga falalka burcad-badeedda iyo khataraha amni ee la xiriira.
Ciidamada ayaa sheegay in hawlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu ilaalinayo xeebaha, hantida iyo badbaadada shacabka iyo dadka isticmaala badda. Ciidamada Badda Puntland ayaa digniin adag u diray kooxaha ku howlan ama damacsan inay fuliyaan falal burcad-badeednimo, iyagoo sheegay in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falal khatar gelinaya amniga iyo nabadgelyada badda.
Waxay sidoo kale sheegeen in isku day kasta oo lagu carqaladeynayo hawlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda uusan joojin doonin howlgallada ciidamada, balse dadka ku lugta leh falalkaas ay mutaysan doonaan tallaabooyin sharci iyo ciqaab adag. Shacabka ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo gacan siinaya ama fududeynaya falalka burcad-badeednimo. Ciidamada Badda Puntland ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ciidamada iyo shacabka si loo xaqiijiyo amniga xeebaha.
Bulshada ku dhaqan deegaannada xeebaha, kalluumaysatada, ganacsatada iyo dhammaan dadka isticmaala badda ayaa lagu boorriyay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada, isla markaana ay si degdeg ah u soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyo ama falal looga shakisan yahay burcad-badeednimo.
Ciidamada Badda Puntland ayaa ku celiyay baaqooda ku aaddan wadaagista xogta iyo feejignaanta bulshada, iyagoo sheegay in xog sax ah oo waqtigeeda lagu helo ay si weyn uga qayb qaadan karto ka hortagga khataraha iyo ilaalinta badbaadada bulshada. Qof kasta oo haya xog la xiriirta falal burcad-badeednimo ayaa lagu boorriyay inuu si masuuliyad leh ula wadaago hay’adaha amniga ee ay khusayso.




