Taliyaha Ciidanka XDS oo Qaabilay Agaasimaha Shaqaalaha Militariga Midowga Yurub

0

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Sarreeye Guud Michiel van der Laan, Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha Militariga Midowga Yurub (EUMS), ahna Agaasimaha Awoodda Qorsheynta iyo Hoggaaminta Militariga (MPCC).

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca milatariga, gaar ahaan tababarrada, tayeynta iyo horumarinta awoodda Ciidanka XDS.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo aqoonta iyo xirfadaha ciidamada, kobcinta awoodda hoggaamineed iyo qorsheynta militariga, iyo sidii loo sii xoojin lahaa taageerada Midowga Yurub ee dhismaha iyo horumarinta Ciidanka XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS ayaa uga mahadceliyay wafdiga Midowga Yurub booqashada iyo taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashi joogto ah oo lagu horumarinayo awoodda iyo tayada Ciidanka XDS.May be an image of one or more people and textMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here