Ciidamada Badda Turkiga oo hawlgallo ilaalin ah ka wada biyaha Soomaaliya

0

MUQDISHO — Ciidamada Badda Turkiga ayaa sheegay inay hawlgallo ilaalin iyo galbin ah ka wadaan biyaha Soomaaliya, iyadoo maraakiib dagaal oo ka tirsan Ciidanka Badda Turkiga ay ilaalinayaan maraakiib ku howlan hawlo baaritaan iyo qodis shidaal.

 

Turkiga ayaa sheegay in maraakiibta dagaalka TCG Göksu, TCG Gelibolu iyo TCG Bartın ay si joogto ah u wadaan waajibaadkooda, kuwaas oo ay kamid yihiin galbinta iyo ilaalinta markabka qodista Çağrı Bey iyo maraakiibta taageerada ee Korkut, Altan iyo Sancar.

Hawlgalladan ayaa qeyb ka ah iskaashiga amni iyo difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan ilaalinta danaha iyo hawlaha badda Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii lasoo dhaafay xoojiyay xiriirkooda dhinacyada amniga, difaaca iyo dhaqaalaha, iyadoo labada dhinac ay sidoo kale iska kaashanayaan horumarinta iyo baaritaanka kheyraadka ku jira biyaha Soomaaliya. Ciidamada Badda Turkiga ayaa sheegay in cutubyadoodu ay sii wadi doonaan waajibaadka loo igmaday ee biyaha Soomaaliya.No photo description available.May be an image of ocean

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here