Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sagootin ah ku yimid kaddib markii uu soo gabagabeeyay muddadii uu Soomaaliya uga soo shaqeynayay diblomaasiyad ahaan.
Wasiirku wuxuu bogaadiyay adeegga iyo dadaalka Safiirka, iyo kaalintii uu ka qaatay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dhow ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Türkiye.
Wasiir Cabdisalaan ayaa sidoo kale sheegay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer ee labada dal, isagoo Safiirka u rajeeyay guul iyo horumar uu ka gaaro xilalka iyo mas’uuliyadaha mustaqbalka.




