Ciidamada booliska oo gacanta ku dhigay nin dil qorsheysan ka gaystay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa gacanta kusoo dhigay nin dil ka gaystay gudaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

 

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Ibraahim Aadan Maadey ayaa loo haystaa dilka haweeney lagu magacaabi jiray Khadiijo Siyaad Maxamed oo ka tirsaneyd shaqaalaha nadaafadda ee degmada Hodan.

Warsaxaafeed kasoo baxay Booliska ayaa u qornaa sidatan:-

CIIDANKA BOLIISKA SOOMAALIYEED OO GACANTA KU DHIGAY EEDEYSANE DIL GEYSTAY

Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Hodon, ayaa galabta 02.Jan.2024 abaare 17:40 PM, gacanta ku dhigay qof rag ah oo ku eedeysan inuu dilay Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed ina hooyo Saliimo Cumar Cismaan 43 jir ah, kana mid aheyd shaqaalaha Nadaafada ee Degmada Hodon.

Eedeysane Ibraahim Aadan Maadeey ina hooyo Nuurto Cabdi Cabdulle 19 jir ah ku dhashay Shabeellaha Hoose degan Ceelasha Biyaha, ayaa ciidanku gacanta ku dhigeen, xiligii uu dilka geystay, wuxuu isku dayay inuu Ciidanka iska difaac, Balse waxaa suurta gashay in la qabto isaga oo dhaawac ah iyo hubkii uu falka ku geystay.

Eedeysanaha oo dhaawac ah ayey Ciidanku gacanta ku hayaan, waxaana la waafajin doonaa Garsoorka awooda u leh si uu cadaalad u maro.

Mahadsanidiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here