Midowga Yurub oo taageeray go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Ururka Midowga Yurub oo ka hadlay Xadgudubka dowladda Itoobiya ayaa  garab istaag u muujiyay Dowladda Soomaaliya.

 

Qoraal ah ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la ixtiraamo midnimada, madax bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee JF Soomaaliya.

“Waxaa lagu war galinayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurka u yaalla Soomaaliya, Axdiga Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay, Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa kowdii bishan heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa dhankiisa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here