Ciidamada Booliska oo xalay howlgallo ka sameeyey Dharkenley + ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyey qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay waxyaabaha maanka-dooriya iyo dad ka ganacsanayey, sida uu shaaciyey taliska Booliska Soomaaliyeed.

Gaashaanle Dhexe Yaasiin Nuur Kheyre (Ganey) oo ah Taliyaha Booliiska qaybta Galbeed ayaa wariyeyaasha u sheegay in howlgalladaas lagu soo qab-qabtay Qamri, Xashiis, Kaniini iyo walxo kale.

Sidoo kale taliyuhu wuxuu tilmaamay inay kulan gaar ah la qaateen odayaasha deegaanka, una soo gudbiyeen cabasho la xiriirta ciyaal weero dhibaato ku haya degmadaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday howlgallo ay wadeen ciidanka Booliska, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, maadaama lagu jiro xilli doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here