Ciidamada Booliska Soomaaliya oo soo qabtay haweeneyd gubtay ninkeeda

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay haweeney ku eedeysan inay dhowaan ninkeeda ku gubtay magaalada Muqdisho.

 

Haweeneydan oo lagu magacaabo Muno Awsame Xuseen ayaa lagu xiray saldhigga booliska ee degmada Yaaqshiid.

Qoraal kasoo baxay booliska ayaa waxaa lagu sheegay in haweeneydan si deg deg ah loo horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen haweney gubtay  Ninkeeda 16/2/2024 baadigoob dheer kadib waxaa Gacanta lagusoo dhigay.

Eedeysanada lagu magacaabo, MUNO AWSAME XUSSEN 21 jir ah, Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awooda u leh.

Muwaadin hadii aad la kulanto fal danbiyeey nuucaan oo kala ah adigoo Mahadsan la xariir Ciidamadda Amaanka ee kuugu dhaw ama wac Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here