Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaanka Caliyow Baarow ee gobolkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad, iyaga oo beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo ahaa bartilmaameedka howlgalkaasi.

Saraakiisha horkaceysay ciidamada sameeyey howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay nolosha ku qabteen illaa 4 xubnood oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Shabeelaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socda howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee loo bedalay ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here