Ciidamada dowladda oo xalay howlgal ka sameeyey degmada Dharkenley + ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyey qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha maamulka degmada iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyada oo lagu soo qabtay koox ciyaal weero ah.

Maamulka degmada oo ka warbixiyey howlgalkaasi ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin dhibaateynta dadka shacabka ah, isla-markaana ay ka hortegi doonaan kooxahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here