Ciidamada DF oo howl-gal ku burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

0

KISMAAYO (SMN) -Ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gal qorsheysan ka sameeyey deegaano hoostaga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey deegaanada Buula Xaaji iyo Lagta Caanoole ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howl-galka ayaa sheegay inay buburiyeen xarumo kala duwan oo ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here