Wararkii ugu dambeeyey Wiil iyo gabar walaalo ah oo lagu dilay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay magaalada Muqdisho loogu geystay wiil iyo gabar walaalo ah, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Zakariye Maxamuud Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Kalafoge, waxaana la rasaaseeyey, xilli ay marayeen wadada Dabka ee magaalada Muqdisho.

Lama oga illaa iyo hadda sababta ay ciidamada u dileen labadaasi qof, waxaana haatan ehellada Zakariye iyo Sowdo ay dalbanayaan in cadaaladda la horkeeno askartii ka dambeysay falkaasi.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

Camiroman: Mahat Tawakal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here