Ciidamada Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose

0

KISMAAYO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maamta ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

 

Howlgalka ayaa waxaa lagu beegsaday deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Deegaanada howlgallada laga sameeyay ayaa kala ah:- Qudus, Yaaq dabayl, Sariiraha, Aboodinka, Barja Allah oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 1-6aad  ee Danab Taliye Carab Dheeg Axmed ayaa  warbaahinta uga warbixyay howgalkaas, wuxuuna sheegay inay gubeen gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo uu magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Gagaale.

Sido kale wuxuu intaas ku daray in sarkaalkaas oo watay xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab uu si dirqi ah uga badbaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan degan, wuxuuna howlgalkan qayb ka noqonayaa gulufka ay haatan ciidamada huwanta ay ka wadaan deegaanada maamul goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here