Ciidamada Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyey gobolka Sh/ Hoose

0

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Danab ee dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saaray hawlgal qorshaysan oo ay saaka ka fuliyeen deegaanka Jilib-marka  ee gobolka Shabeelaha hoose.

Taliska Danab ayaa shaaciyay in hawlgalkaas lagu gubay gaari qaraxyo siday kaas oo Al-shabaab doonayeen in ay hawlgalo ku fuliyaan islamarkaana ku dhibaateeyaan dad shacab ah, sida ay hadalka u dhigee.

Gaariga la gubay oo noociisu ahaa SURF  ayaa la sheegay in dagaalyahanada Al-shabaab ay doonayeen in ay geliyaan gudaha magaalada Muqdisho, kadibna qaraxyo ku fuliyaan sida ay sheegeen saraakiisha

Danab waxay sheegtay sidoo kale in ay burburiyeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Jilib-marka halkaas oo gebi ahaanba Al-Shabaab isaga baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here