Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo xalay bar-baro galay

0

Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kuwaas oo soo bandhigay tartan xiiso badan.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A ee wareega labaad ee tartanka ayaa soo bandhigay tartan qurux badan, waxaana ay galeen bar-baro.

Hodan ayaa la timid 4 dhibcood, halka Howlwadaag ay iyana keensatay 4 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka isaga hor imaan doono degmooyinka Waaberi iyo Warsheekh oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo shabelaha Dhexe, kuwaas oo haatan diyaar garow xoogan ugu jiro ka qeyb-galka tartan aqooneedka Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here