Ciidamada DF iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgallo ka wada duleedka Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa NISA ee maamulka Koonfur Galbeed ay howlgallo ka wadaan duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi.

 

Ciidamada ayaaa lagu soo warramayaa inay u ruqaansadeen dhanka deegaanka Goofgaduud oo ay la wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ay halkaasi ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa sidoo kale ah mid kacsan, waxaana cabsi laga muujinayaa in dagaal u dhexeeyo labada dhinac uu ka qarxo halkaasi.

Koonfur Galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay la daala dhaceysay xaalado amni, kadib markii ay xoogaga Al-Shabaab go’doomiyeen magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here