Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay gaaray dalka Talyaaniga + Ujeedka

0

ROMA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray gudaha  dalka Talyaaniga.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa qeyb-gelayo shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya magaalada Roma ee caasimadda dalkaasi.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’adda cunnada aduunka ee WFP, taas oo howlo gargaar ah ka fuliso dalal badan oo ay ku jirto Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda kasoo qayb-gelysa shirkan oo uu kala hadli doono arrimo ku aadan taageeradan Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa  waxaa ku soo laalaabatay abaaro baahsan, taasi oo keentay cunno yari sababtay in ay ka dhalato macluul aad u daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here