Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanka Basra

0

AFGOOYE (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay si wadajir ah ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM uga sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay howl-galkooda ku gaareen, ayna gacanta ku dhigeen deegaanka Basra oo ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika oo ka hadlay howl-galkaasi ayaa shaaca ka qaaday in AMISOM ay ka go’an-tahay la shaqeynta ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

“AMISOM waxay diyaar u tahay inay sii wado la shaqeynta ciidamada XDS ee hoos u dhigista Al-Shabaab iyo inay la wareegto degaano badan si ay u ilaaliso dadka iyo fidinta maamulka dowladnimo,” ayuu yiri ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Shabeelooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here