IGAD oo war kasoo saartay xiisadda siyaasadeed ee dalka Suudaan

0

ADDIS ABABA (SMN) – Xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee iminka ka jirta Sudan, waxa uuna sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda dalkaas.

Xoghayahu waxa uu si kulul u cambaareeyay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo dowladda KMG ah, waxa uuna ku booriyay dhamaan dhinacyada inay dulqaad muujiyaan.

Wuxuu ku baaqay in si dhaqsi ah loo sii daayo Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk, iyo dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasadda ee xiran.

Sudan waxa ay iminka heysaa hogaanka meertada ah ee Urur Goboleedka IGAD, waana xubin muhiim ah oo ka mid ah aas aasayaasha IGAD, iyadoo ururka uu garabtaaganyahay uuna taageersanyahay shacabka iyo dowladda KMG ah ee Sudan, si loo xoojiyo guulaha Nabadda iyo demoqraadiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here