Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgallo ka wada magaalada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ayaa maanta si wadajir ah howlgal culus uga wada duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Howlgalkan ayaa ka socda gudaha degmada iyo duleedkeeda, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada ammaanka iyo kiuwa howlgalka ATMIS.

Ujeedka howlgalkan ayaa waxaa lagu sheegay mid looga hortegayo weerarada abaabulan ee ay soo qaado kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana aaggaas ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, ayadoo dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaas.

Baraawe ayaa kamid ah meelaha ay weerarada kusoo qaadaan xubnaha Al-Shabaab oo marar badan soo weeraray magaaladaas oo caasimad u ah Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here