Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howl-gallo ka wada Baay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay howl-gallo ballaaraan ka wadaan duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa daba socda dagaal culus oo shalay ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ku dhex-maray deegaanka Deynuunaay oo ka tirsan gobolka Baay.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galladaasi ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay, sidii ay u sugi lahaayeen amniga deegaanada hoos-yimaada magaalada Baydhabo oo ay inta badan weeraro ku soo qaadaan xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya inuu markale dagaal ka dhaco, halkaasi maadaama ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here