Guddiga doorashooyinka Puntland oo la kulmay saraakiil ka socota UNSOM

0

Gudoomiyaha Guddiga KMG doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre iyo xubno ka mid ah TPEC ayaa xafiiska Gudoomiyaha kulan kula qaatay saraakiil ka socota Hay’adda UNSOM.

Guddiga ayaa wafdiga ka socday UNSOM warbixin ka siiyay shaqada ay wadaan hawlaha usoo qabsoomay ee ay ka mid ahayd diiwaangalintii codbixiyayaasha degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn iyo shaqooyinka u qorshaysan oo ay ka mid tahay qaybinta kaararka codbixiyayaasha iyo qabashada doorashada horudhaca ah ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn oo dhawaan ka soo dhamaatay diiwaangalintii codbixiyayaasha oo mudo ka socday, Gudoomiyaha ayaana qabsoomida arintan ku tilmaamay inay guul u tahay guud ahaan Soomaaliya iyo Puntland.

Saraakiisha UNSOM ayaa soo dhaweeyay shaqada Guddiga ay qabteen iyo qorshahooda dhow iyo kan fog waxayna usheegeen xubnaha TPEC in ay wada shaqayntooda sii xoojindoonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here