Ciidamada dowladda oo dib uga soo baxay deegaano ku yaalla Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Saraakiisha  ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay dib uga gurteen magaalooyin iyo degaanno ka mid ah kuwii ay qabsadeen toddobaadyadii lasoo dhaafay oo ku yaalla gobolka Galgaduud.

 

Laba ka mid ah saraakiisha dowladda oo diiday in magacooda la sheego maadaama aysan oggolaansho u haysan inay ka hadlaan hawlgallo xasaasi ah ayaa sheegay in ciidanku ay Isniintii dib uga soo gurteen Ceel Dheer, Masagaway, Budbud iyo Galcad.

Mid ka mid taliyayaasha ciidamada dowladda Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ah taliyaha guutada 26aad ayaa waraysi oo u warramay VOA ayaa sheegay inay jirto “waxyaabo yar yar oo istiraatijiyad darteed dib looga gurtay oo si tartiib ah gadaal looga baxay” sida uu hadalka u dhigay inkastoo aanu sheegin goobahaas.

Sarkaal kale ayaa isaguna sheegay in goobaha dib looga gurtay aan dowladda dagaal looga qabsan, sidii markii horeba aanay dowladdu dagaal ugu qabsan goobahaas.

Ka sokow goobaha dib looga gurtay, ciidamada dowladda ayaa weli ku sugan magaalada Ceelbuur oo ay qabsadeen Jimcihii la soo dhaafay.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay isku filan yihiin inay is difaacaan, waxaana uu dadka degaanka ugu baaqay inay mas’uuliyad isa saaraan, oo ay sharafkooda iyo magacooda difaacaan, dagaalka socdana aan la siyaasadayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here