Muungaab oo soo saaray baaq ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo dalla.

 

Muungaab ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay  in ay taageeraan Ciidamada Xoogga dalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaaminta dagaalkan u joogo magaalada Dhuuwamareeb ee caasimada Galmudug.

Qoraalka ayaa u qornaa sidatan:-

In Dowladnimada Guulaysato Cadowga Al shabaab na laga adkaado waa danta cid kasta .

Waxaan bogaadinayaa Guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta ayna ugu dambaysay xurayntii Deg: Ceelbuur.

Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada in ay hiil iyo hoo ba ay lagarab istaagaan Madaxweynaha JFS iyo Ciidamada Qsida ee ku Howlan har iyo Habiin ka xuraynta Dalka Cadowga Khawaarijta Al Shabaab.

Cidii doonaysa in ay siyaasad ka dhex raadiso Xuraynta Dalka Iimaanka Allah hageliyo ,waxaana leeyahay war hooy ( Sidaasi geela looma kaxeeyo)
****

Jayshka yagoow Guulaysta.

Guulayso Fakhaamata raiis.
Guushaadu waa guusha Umadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here