Ciidamada dowladda oo howl-gal ballaaran ka sameeyey Garbahaarey

0

GARBAHAAREY (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Millateri, Boolis iyo Nabadsugid ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga waxay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Ujeedka howlgalka oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay ayay ciidamada uga fuliyeen guryaha xaafadaha, iyagoo xog-wareysanayay dadka iyo darawalada gaadiidka, waxaana lagu soo qabtay dad aad u fara badan oo baaritaan dheer ka dib qaarkood damiin lagu sii daayay.

Taliyaha Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee ciidamada dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Warfaa Sheikh Aadan Faroole oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qorshaha howlgalka uu yahay mid lagu sugayo amniga guud ee magaalada Garbahaarey.

Gaashaanle Warfaa, ayaa sidoo kale shacabka gobolka Gedo ugu baaqay in aysan guryaha ku qarsan kooxaha dhibaatada wada, islamarkaana laamaha amniga ku wargeliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here