Doorashada kuraas ka mid ah BF oo ka dhaceyso magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta doorashada 5 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ku qabanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaban-qaabadii ugu dmabeysay ee doorashada kuraastan ayaa hadda ka socota gudaha magaalada Baydhabo, ayada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah HOP#188, HOP#185, HOP#175, HOP#159 iyo HOP#177, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay horyaalka maamullada dalka, marka loo eego dardar-gelinta doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here