Ciidamada dowladda oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab

0

JOWHAR (SMN) Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaana guutada siddexaad qeybta 27 aad ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay deegaanada kala ah Mareerey, Makaydheere, Shanlow, Yaaqle iyo Dhagaxow oo kawada tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe .

Howlgalkaan oo uu hoggaaminaayey Janaral Saalax, lAbaan duulaha qeybta 27aad ee ciidamada Xoogga dalka iyo saraakiil kale waxa uu sheeay in deegaanno dhowr ah ay kala wareegeen Al Shabaab, isla markaana ay dileen 28 ka tirsanaa ururkaasi.

Abaaduulaha qeybta 27aad oo la hadlay dadka deegaanadii laga saaray Al-Shabaab ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta dadweynaha ,isla markaana ay u howlgali doonaan sidii u heli lahaayeen nabad geylyo.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dhaq dhaqaaqyo ballaaran oo haatan ciidamada dowladda ay ka wadaan deegaanada maamulka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here