Faah faahino kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay gobolka Nugaal

0

GAROOWE (SMN) – Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku geeriyooday, saddex kalena waa ku dhaawacmeen, kadib shil gaari oo maanta ka dhacay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Salaama iyo Libaaxa ee gobolka Nugaal.

Mas’uuliyiinta gobolka iyo saraakiisha Booliiska, oo gaaray goobta uu shilkaas ka dhacay, ayaa xaqiijiyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca shilka.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa gurmad u fidiyay dadkii ku dhaawacmay shilka, waxaana loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkan dambe ku soo badanaya jidka laamiga ah ee isku xira caasimadda Puntland ee Garoowe iyo deegaanada kale ee gobolka Nugaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here