Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyey gobolka Shabeelaha Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 64aad, guutada 7-aad ee qeybta 60-aad ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyey tuulooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa waxaa Hoggaaminayey Abaanduullaha Ururka 64-aad ee XDS Maxamuud Saleebaan, waxa uuna sheegay in u jeedka Howlgalka uu ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo xusay in khasaaro baaxad leh ay gaarsiiyeen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here