Madaxweyne Deni oo xil u magacaabay Maxamuud Cismaan Diyaano

0

BOOSAASO (SMN) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo agaasimihii hore ee hay’adda PSF ayaa ugu dambeyn heshiis ka gaaray xiisaddii ka taagneyd magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadib kulamo ka dhacay halkaasi.

Deni ayaa sidoo kale soo saaray wareegto, iyada oo Diyaano loo magacaabay agaasimaha ciidanka kumaandooska amniga Puntland, halka Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayre loo magacaabay agaasimaha ciidanka gaarka ah ee sirdoonka Puntland.

Halkan hoose aqriso:-

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.

Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.

Madaxweynaha  Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here