Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

XUDUR (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen gobolka Bakool.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Dhursheen Shabeelle oo 35 km u jirta degmada Xuddur gobolka Bakool, waxay ku dileen laba xubnood oo ka tirsanaa Al- Shabaab, sida uu shaaciyey guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, Cumar Cabdiraxmaan.

Labada nin ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo  Al-Shabaab u qaabilsanaa arruurinta lacagaha Zakawaatka.

Cumar Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inuu howlgalku sii socon doono, islamarkaana ujeedka uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi.

Bakool ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda federaalka oo kaashaneyso dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here